Diiwaanka Mirqaanka

4.6
14 reviews
1K+
Downloads
Content rating
Everyone
Screenshot image
Screenshot image
Screenshot image
Screenshot image
Screenshot image

About this app

1. Hindise lagu yareynaayo Aafada Qaadka.
1.1. Curinta Xeerka Aasaasida Komishanka ka Hortagista Qaadka.
 Qaadku waa aafo qaran, hadii ay ahaan lahayd dhinaca dhaqaalaha cafimaadka iyo qoskaba.
1.2. Ujeeddada Xeerka
 Xeerkani wuxuu aasaasayaa komishan awood fulineed u leh hawlaha loo igmaday.
 Komishanku wuxuu ka shaqaynayaa abuurista fursado ganacsi, hadii ay ahaan lahayd warshado, beero iyo ganacsiga adeegyada tiknoolijiyada, oo lugu badalo ka qanacsiga qaadka.
1.3. Hannaanka Curinta Xeerkan.
 Waxa curinta sharcigan loo racayaa qaabka ku xusan Qodobka 74aad ee distoorka jamhuuriyada somaliland, farqadihiisa 2aad iyo 3aad.
 Xubno ka tirsan golaha wakiilada.
o Abaabulayasha mashruucani waxay takeero ka raadinayaan xubno cayiman oo musharaxiinta golaha wakiilda ka mid ah, iyaga oo codka ay xaqqa u leeyihiin ugu hiilinaya xaqqa.
o Waxa laga xulanayaa seddexda xisbi qaran mid walba 5 musharax, musharaxiintan waxa loo balan qadayaa in la taageero.
 Shuruudaha ay ku mudanayaan tageeridu waa sidan:
o In aan loo eegin qabiil.
o In xildhibaanku balan qaado in uu xeerkan meel mariyo marka la doorto.
o In xildhibaanku ka qayb qaato wacyigalinta mashruucan inta uu socdo.
 Muwaadiniin cod bixiyayaal ah oo gaadhaya 5000 oo qof.
o Waxa la abuurayaa shabakad muwadiniin ah oo ka kooban laba dabaqadood:
a) Koox Hal-Door ah oo ka kooban 100 qof
b) Unugyada oo ka kooban hal haldoor ah oo raadsata 50 qof oo isaga hoos yimaada oo taageera, Isu geyn waa 100*50 = 5000 oo qof.
1.4. Hawlaha Horyaala Komishanka
 Komishanku wuxuu diwaangelinayaa ganacsadayaasha waaweyn ee soo waarida Qaadka.
 Waxa la soo saaraya liis rasmi ah oo maxkamada sare loo gudbiyo, ujeedaduna waa in aan hodhow cid kale lagu darin, oo wixii faa'iido ahi gaar u noqdaan liiskaa hore.
 Talaabada xigta taa waa in la qiimeeyo hantida ay haystaan ganacsatadani rag iyo dumarba inta ay tahay, tusale ahaan hadii liisku noqdo 200 qof oo mikdiiba haysto celcelis ahaan $2.5million( $500 million).
 In la qorsheeyo sidii ganacsatadani ganacsiga qaadka ugu badali lahaayeen nooc kale oo ganacsi ah.
 Waa in la daraasadeeyo warshadaha iyo ganacsiga loo digo-rogan karo, ee la jaan qaadi kara dhaqan-dhaqaalaha dadka. Tusaale ahaan hadii ay hantidu noqoto $500million, waxa ay kicin karaan 20 warshadaha oo nooca fudud ah.
 Marka la sugo mashaariicda ganacsiga ee qof walba ku haboon, waa in la soo saaro xeer madaxwayne (degreeto) oo faraya awaamiirta hoos ku qoran:
o In sifo sharci ah loo cayimo muddo aan cid kale warshadaha la cayimay aan loo ogalaan.
o In sifo sharci ah loo siiyo dhul, illeyn waa xal raadise.
o In sifo sharci ah loo magacaabo gudi dabagal ku samaysa hawlaha mashruucan.
o Talaabada ugu danbaysaa waa in fulintii la bilaabaa, waxaana loo bilaabi karaa sida hoos ku xusan:
 Waa in si qunyar qunyar ah loo joojiyo xadiga la soo waaridayo.
 Waa in ganacsadaha loo sheego in uu macaamiishiisa kolayada uu u yareeyo kolba kolka ka danbeysa, tusaale ahaan kolka hore waa in uu dhimaa 20%, 40%, 60%, …
 Dhinaca kolayada, waa in dawladaha hoose ay soo rogaan amar sheegaya in 20kii qofba ay kolayadooda u kireeyaan qol. kolkaa sakaddiiba waxa laga helayaa qol lagu iibiyo qaadka, ileyn qof kasta oo qaadka cunaa badi wuxuu leeyahay macmiil, markaas wuxuu ugu tagi karaa qolkaasi, markaas waxa laga yaabaa in qofkiiba ku soo hagaagaan $5 amase $10.
 Kolka ugu danbaysana, tusaale ahaan 5 sano ka dib, waa in la soo saaro xeer baarlamaan oo 100% mamnuucaya ka ganacsiga qaadka.
1.4.1. Mulkiilayasha Kolayda Qaadka
 Mulkiilayaashani waa dabaqada labaad ee silsilada ka-ganacsiga qaadka, waana qaybta ugu badan, waxa ka mid ah dumar iyo rag, celcelis ahaan waxay ka helaan shaqada lacag u dhaxaysa 30,000 ilaa 150,000 oo shilin maalintiiba.
... ... ...
Updated on
Nov 7, 2017

Data safety

Safety starts with understanding how developers collect and share your data. Data privacy and security practices may vary based on your use, region, and age. The developer provided this information and may update it over time.
No data shared with third parties
Learn more about how developers declare sharing
No data collected
Learn more about how developers declare collection

Ratings and reviews

4.6
14 reviews
Suldaan Ismail
January 24, 2023
Is first ap
3 people found this review helpful
Did you find this helpful?
A Google user
January 8, 2018
Aliyow ibrow
6 people found this review helpful
Did you find this helpful?