Ku soo dhawoow Baro English App, oo ah app-ka casriga ah ee loogu talagalay in bulshada Soomaaliyeed ay ku bartaan luqadda Ingiriisiga si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee CEFR (European Framework). Haddii aad u diyaar garoobayso jaamacadaha caalamka, imtixaanaadka IELTS & TOEFL, ama aad rabto inaad shaqo wacan hesho, Baro English App waa wadadaada guusha!
🎯 SIDA UU U SHAQEEYO NIDAAMKEENU: Waxaan aaminsanahay in joogteyntu (Consistency) tahay sirta luqadda. Maalin kasta waxaad helaysaa HAL CASHAR oo cusub, kaas oo kuu furmaya 04:00 AM (Xilliga Geeska Afrika / Salaadda Subax). • Qasab (Mandatory): Si aad horay ugu socoto, waa inaad daawataa Muuqaalka (Video) ama akhridaa Qoraalka (Slides), kadibna aad xallisaa Shaqo Guriga (Homework). • Ikhtiyaari (Optional): Qeybaha kale ee Lab-ka waa tababaro dheeraad ah si aad u noqoto Master! • Soo Celcelin: Casharka maalinta waad ku celcelin kartaa inta jeer ee aad doonto si aad si fiican ugu fahamto.
✨ QAYBAHA APP-KA (FEATURES): 📺 Muuqaal & Qoraal (The Essential): Daawasho ama akhris – dooro qaabka aad wax ku fahamto. 📝 Shaqo Guri (Homework): Layliyo kooban oo hubinaya fahamkaaga casharka, sida su'aalo doorasho ah (Multiple Choice) iyo meel-bannaan-buuxin. 🎙️ Speaking Lab: Ku tababar hadalka adigoo aan cabsanayn! Duub codkaaga oo is-barbardhig dhawaaqa macalinka. Codkaaga adiga unbaa maqlaya, waana la tirtirayaa markaad baxdo (100% Auto-Destroy Privacy). 🎧 Dhageysi (Listening Lab): Kobci awoodaada fahamka dhageysiga adiga oo ka jawaabaya su'aalo tijaabo ah oo laga soo dhex saaray codadka macalinka. 🧠 Eray Bixin (Vocabulary Master): Baro erayo cusub maalin walba, ku tijaabi 'Bubble Pop', kana gudub imtixaanka qorista. 🏆 Horyaalka (Leaderboard): Kula tartam ardayda kale dhibcaha (XP) aad ururiso isbuuciiba!
📶 OFFLINE & INTERNET YARI App-kan waxaa si gaar ah loogu talagalay xaaladda internet-ka ee Bariga Afrika. Mar haddii aad casharka furto, horumarkaaga (Progress) waxaa si toos ah loogu keydinayaa mobile-kaaga adoon u baahnayn internet. Wuxuuna si iskiis ah ugu gudbinayaa server-ka marka aad dib u hesho internet-ka.
💰 3 MAALMOOD OO BILAASH AH (FREE TRIAL) Is-diiwaangeli hadda oo hel 3 maalmood oo tijaabo ah oo KOOBUBAN (Full Premium Access) bilaash ah! Tijaabada kadib, kharashka app-ku waa mid aad u jaban oo ku habboon ardayda (Celcelis ahaan waa $10.00 ama KES 1,500 bishiiba).
Noqo Global Citizen. Speak with confidence. Degso Baro English App hadda oo bilow safarkaaga waxbarasho!
Degso Baro English App si aad u barato luqadda. Casharo muuqaal ah iyo Offline.